Abaabulka cilmi-baarista qaxootiga

Shabakadda cilmi-baarista ee qaxootiga (RRN) ayaa loo abuuray si loo abaabulocilmi baarayaal Canadian iyo kuwo caalami iyo abaabulka xaruun cilmi-baaris oo go’aankeeda yahay daraaseeynta cilmiga qaxootiga iyo barakacayaasha. Intaa waxa dheer in laga qeyb geliyo sharci-dejiyayaasha iyo dadka xirfadooda tahay tacliinta qaxotiga si xal loogu raadiyo dhibaatooyiinka qaxootiga iyo dadka la bara kiciyay. Dadaalkaan waxuu ku dhisanyahay dadal hore loogu jiray oo lagu hagaajin rabay shabakada cilmi baarayaal oo caalami ah oo taqasus kooda yahay daraasada qaxootiga iyo barakacayaasha oo aay maalgelin jirta hay’ad Canadian ah SSHRC qeybteed waxbarashada

 

Xaruunta cilmi-baarista qaxootiga ee jaamacada York University ayaa 2004tii abaabushay kooxdu cilmi-baarista qaxootiga iyadoo maalgelin kaheleyso SSHRC. Wejiga ugu horeeyay ee mashruucan, waxaan diirada saarnay abuurista xiriir kadhaxeeyo cilmi baarayaasha kunool wadanka Canada, hagaajinay mabaadi’da kooxda iyo hagaajinta ajendaha cilmi baarayaasha anagoo kaashaneeyno asxaabta shaqaalaha bulshada iyo kuwa ururada aanan dawliga aheyn. Aqoonyahano, sharci-dejiyayaal, iyo xirfadlayaasha qaxootiga ayan tashi kula yeelanay magaalooyiinka Montreal, Toronto iyo Edmonton. Waxeey noo sheegeen arimaha ugu muhiimsan oo aan cilmi baaris ku sameeyn laheyn. Waxaan go’aaminay kooxahaasi iney bixiyaan nidaam iyo goobta isugu iman lahaayeen sedex hay’ad: NGOyaal Canadian iyo kuwa caalami ah, wada-hawlgalayaasha NGOda, iyo sharci hagaajiyayaasha dowlada. Is dex galkaan ama iskutallaabta qeeybaha aan sheegnay waxaay suura glinayaan arimaha lasoo bandhigo ineey quseeyaan qaxootiga, in xiriirka uu dheerado iyo war is weedaarsigana uu fududaado. Waxaan go’aansanay in kooxaha loo qeeybiyo ayadoo la beegsanaayo qibradooda ku aadan cilmi-baarista qaxootiga iyo barakacayasha, kashaqeynta ama xirfada sharci-dejinta si looga jawaabo fikradaha cusub ee aay soo hindiseen cilmi baarayaasha. kooxaha waxa aay u habeeysanyihiin qaab lagu aqoonsado beelahakala duwan ee cilmi-baarista qaxootiga ee kusaleeysan Kanada laakiin gaaraanadduunka oo dhan.

 

 

Waxaan diyaarinaya arima xasaasi u ah aqoonsashada marxaladaha kaladuwan ee waaya aragnimada qaxootiga (waxaa ka mid ah inteysan soo socdaaleeynin/qixin, socdaalka/qixitaanka, iyo kadib markeey soo socdeen/qexeen) oo aay weheliyaan arimo kaleeto oo muhiim u ah arrimah la xiriira waayo aragnimada qaxootiga (barakaca iyo ilaalinta, caafimaadka iyo bogsashada, iyo wakiilnimo, bulshada iyoaqoonsiga). Warqad fikrad ah “Iskutillaabta waaxaha kala duwan ee ajendaha cilmi baarista ku aadan qaxootiga iyo barakacayaasha” ayaa loo soo gudbiyaya SSHRC bishii tobonaad ee 2005 waxaanad ka heli kartaawww.yorku.ca/crs/research/refugeeresearchreportxiriiriyaha waa bananka .

 

Xiliga deyrta 2005ta, maalgelin cusub ayaan ka helnay SSHRC Cluster Interim Program. Maalgelintaan waxaa loo isticmaalay xoogeeynta kooxaha, daka naga saacideeyo cilmi barista iyo adkeeynta war faafiska. Waxaan aas aasasnay urur cusub oo cilmi baarayaal Kanadiyaan ah, siyaasad dejiyayaaal, iyo xirfadlayaal cusub oo ka shaqeeya qaxootiga iyo barakacayaasha. Waxaan suubinaya liis cilmi baarayaal waqti yar gudahiisana waxaa ka qeeyb ahaa in kabadan 140 qof oo kukala nool Kanada iyo aduunka kale dacaladiisa. Waxaa adkaaday xiriirka u dhaxeeyo CRS iyo Golaha Kanadiyanka ee Qaxootiga (CCR). CCR waxaay abuurtay gola cilmi baarayaal ah oo saacida kahela aqoonyahana kasocda CRS kuwaasoo kala shaqeeynaya qaabeeynta iyo bandhiga cilmi baarista sanadkiiba laba mar si loo hor mariyo wada hadalka socda.

Bisha June 2006, CRS waxeey kumartigelisay jaamacada York shirka 10naad eesannadlaha ah ee ururka Caalamiga ah ee cilmi baarista barakacayaasha (IASFM) waxa kaleeto CRS taageero siisay CCR oo martigelineysay xuquuqda caalamiga ee qaxootiga. Labada shir isku waqti ayeey dhaceen si loo balaadhiyo xiriirka iyoisgaarsiinta kadhaxeeysa aqoonyahannada Kanadiyanka ah iyo kuwa caalamiga ee soo buuxdhaafay shirka IASFM iyo shaqaalaha NGOyada oo ka qeyb galayay shirka xuquuqda caalamiga ee qaxootiga. Xiriirka ka dhaxeeya aqoonyahanada Kanadiyaanka iyo kuwa caalamiga iyo ardayda ayaa si weeyn u xoojismay waxaa sidoo kaleeto xoojismay xiriirka u dhaxeeya CRS iyo IASFM. CRS hada waxeey shirkad la tahay IASFM waxaane maamule guud/madaxweeyne ka ah Susan McGrath. Isku-duwaha CRS Michele Millard ay maamushaa boga internetka iyoliistiga emailyada IASFM.

Shirka tobanaad ee IASFM, waxaa lagu casuumay aqoonyahana Kanadiyaan ah iyo kuwa caalami si aay u hagaajiyaan isutaga cilmi-baarayaasha Kanadiyaanka.Jawaabta waxay ahayd mid xamaasad leh. Bishii November ee 2006, Iyada oo taageero kahelayaan SSHRC, qeyb aqoonyahano ah iyo arday ayaa waxa ay aasaaseen isutaga barashada qaxootiga iyo barakaca qasabka ah (CARFMS).

Dhowrkii sano ee la soo dhaafay, RRN waxeey biloowdey ineey dhisto meel cusub oo aay aqoonyahanada , cilmi baarayaasha iyo sharci dejiyaasha eey ku dhalin karaan caqli iyo cilmi cusub iyo ajendooyiin cilmi-baaris. Xiriirka adag u dhexeeya shabakada waxeey suurta gelineeysaa in saameynta iyo dhalinta aqoonta la xoojiyo. Xiriirka shaqsiyaasha iyo ha’adaha Kanadiyaanka iyo kuwa caalamiga ayaa hada kor u kacday. Ururo cusub ayaa soo baxaya sidii: CARFMS, RRN, iyo ururka cilmi baarista qaxootiga ee caalamiga ah. Mashruucan markuu hir galo, RRN waxaa u fududaan doonta howlgelinta cilmi-baarayaasha kunool wadanka iyo kuwa dibada, waxaa kaloo u fududaanayo hagaajinta kooxda falanqeynta cilmi baaritaanka sharciyada, iyo wareejinta aqoonta degaanka gudihiisa iyo aduunka daafahiisa kale.