Ururaha iska iyo hay’adaha iskaashiga

Ururka Caalamiga ee cilmiga qaxootiga iyo socdaalka qasabka (IASFM) waa urur madax banana, waa bulsho si madax banaan isku maamusha oo dooneeysa ineey fahanto qaxootiga iyo dadka lagu qasbay ineey barakacaan. Waxaa kaley doonayaan in hormariyaan ama wanaajiyaan isku dubaridka siyaasadeed iyo maamulka macluumaadka quseeya qaxootiga iyo barakacayaasha. Ka xubin noqoshada ururkaan waxeey keeneyeysaa isku furnaashaha bulshada caalamiga, cilmi weedaarsi o aanan ku koobneeyn urur aqoonyahano balse shaqaalaha la shaqeeya qaxootiga iyo sharci dejiyaal. (Paula Banerjee, Madaxweyne)
Ururka Kanadiyaanka ee Cilmiga Qaxootiga iyo Barakacayaasha (CARFMS) waxaa la aasaasay sanadkii 2008, loona xilsaaray waajibaadka ay u kobciyinayaan bulsho culimo oo madaxbannaan oo: horumarinta iyo faafinta qaxootiga ee Kanadiyaanka iyo cilmi-baarista socdaalkaqasbay, asaasidda iskaashi firfircoon iyo wadashaqeyn ka dhaxeeysa culimada, macalimiinta, xirfadlayaasha, sharci dejiyaasha; iyo, taageerida daabacada,  shirarka, iyo golaha kale ee ka shaqeeyo arimaha la xiriiro qaxootiga iyo barakaca qasabke oo jooga Canada iyo aduunka dacaladiisa (Nanette Neuwahl, Madaxweyne)
Golaha Kanadiyaanka ah ee Qaxootiga waa urur qaran oo anan faaida doon aheyn ee ka go’an ilaalinta xuquuqda qaxootiga iyo muhaajiriinta dhiban ee ku sugan wadanka Kanada iyo aduunka dacaladiisa kale iyo dejinta qaxootiga kusugan wadankan Kanada. Xubnaha golaha wuxuu ka sameysan yahay ururada ka qayb qaadanaya dejinta, kafaala qaadka iyo ilaalinta qaxootiga iyo soo-galootiga. Goluhu waxa uu adeegaa shebekad samaynta, macluumaad is dhaafsiga iyo u doodidda baahida xubnihiisa. (Janet Dench, Agaasimaha)
Qaramada Midoobay Xubinta u Qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR)  ee u dooda xuquuqda aadanaha ee aasaasiga ah ee qaxootiga waxaa kaley doonayaan ineey xalliyaan dhibaatooyinka qaxootiga. UNHCR waxeey kor meertaa dowladaha isticmaalkooda sharciga caalamiga ee qaxootiga , waxeey bixiyaan taageeyro kala duwan si ay u ilaaliyaan qaxootiga dhibeeysan, waxeey saacideeyan qaxootiga dib ugu noqonaya wadankooda iyo qaxootiga dib u dejinta loogu suubiyo wadamo nabadgalyo leh. Waxay la leedahay iskaashiyadaballaaran ururada kale ee caalamiga ah iyo ururada aan dowliga ahayn ee dunida dacaladiisa kala jooga.
Barnaamijka cuntada adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) waxeey gargaar usoo gudbisaa barakacayaasha iyo dadka kaleeto masiibooyiinka qaran ku dhacay. Ujeedada laga leeyahay wa horumarinta dhaqaalaha iyo bulshada ee dalalka dhibaatada iyo cunto la’aanta ku wajahan midaasoo keentay faqri ama masiibo kaleeto. Waxeey ku deeqaan raashiin iyo gargaar bani’aadamnimo. WFP waxeey la shaqeeysaa hay’ada kala duwan sida UN, doowlado, hay’ada aanan doowli ahayn iyo machayada cilmi-baaris ee kala jooga aduunka daafahiisa kuwaasoo qaado cilmi baaris kusaabsan arimaha la xiriira cuntada (Naila Sabra, Director. qeybinta maamulkabarnaamij & la taliye sare oo ku saabsan qaxootiga iyo barnaamijyada IDP)
Sanduuqa Gargaarka Degdegga ah ee Qaramada Midoobay ee Caruurta (UNICEF) waxeey u heelantahay inay siiso caruurta gargaar caruurta ay saameeyeen masiibooyiinka iyo ilaalinta xuquuqdooda si walbo ha noqotee. UNICEF waxeey la shaqeeysaa hay’addaha maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah, oo ay ku jiraan dawladaha, hay’adaha Qaramada Midoobay, iyo bulshada rayidka ah. Iskaashiyadani waxeey suurta geliyaan gudbinta gargaar bani’aadamnimo wax ku ool ah iyo howlgelista mashruucyada kashaqeeya xuquuqda caruurta.
 (Angela Raven-Roberts, La taliyaha degdegga ah ee gobolka, UNICEF CEE/CIS, Geneva)